Dadkii kusoo dhaawacmay dagaalkii Beledxaawo oo la keenay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho keentay dadkii ku soo dhaawacmay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 20 qof oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah ayaa la dhigay isbitaalka Madiina, kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday magaalada Beledxaawo.

Dadka dhaawacyada ee la keenay ayaa waxaa soo gaartay waxyeelo xoogan, iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Dhaqaatiirka isbitaalka ayaa haatan la tacaalaya daaweynta bukaanadaasi oo qaarkood ay ku sugan yihiin xaalad miir dabool ah.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ee ay waxyeeladu soo gaartay ayaa iyaga la dhigay isbitaalka ciidanka Xoogga ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba xaaladda Beledxaawo ayaa degan, iyada oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka magaaladaasi.