Xubno ka tirsan Al-Shabab oo DAGAAL lagu laayey

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray dagaal maanta ka dhacay deegaanka Seydheeloow oo qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo is garabsanaya ay deegaankaas ku weerareen Al-Shabaab, xilli ay dadka ku nool ka uruurinayeen waxa ay ugu yeereen Zekawaad.

Taliyaha booliska maamulka K/Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay ugu yaraan 7-dagaalame ay Al-Shabaab uga dileen weerarkaas, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen illaa afar dagaalame, dhawaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

“Markii aan ka war helnay inay joogaan halkaas ayaan weerar ku qaadnay, waxaana halkaas lagu dilay guddoomiyeyaashii u kala qaabilsanaa dhaqaalaha deegaanada Seydheelow iyo Labaatan-jirow iyo nin ay ku sheegeen Taliye, hub ayaan sidoo kale furanay, kuwo maxaabiis ah oo aan ka qabanay mar dhow ayaan warbaahinta u soo bandhigi doonaa,” ayuu yiri G/Sare Cabdi Ibraahim Shaamow oo ah Taliyaha booliska maamulka K/Galbeed.

Intii uu socday dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Seydheeloow ee gobolka Bay, waxaa sidoo kale lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay noo xaqiijyeen saraakiil ka tirsan taliska 60-aad ee militeriga Soomaaliya.

Dadka deegaanka Seydheeloow waxay Caasimada Online u sheegeen in ciidamada dowladda iyo kuwa K/Galbeed ay saacado kadib deegaanka isaga baxeen, isla markaana ay dib ugu laabteen magaalada Baydhaba oo kolkii hore ay ka soo duuleen.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaanka Seydheeloow waxay sheegayaan, inay dib ugu soo laabteen oo haatan ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Taliyaha