Villa Somalia oo go’aan kasoo saartay gaadiidka xildhibaanada baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in amar ka soo baxay Villa Somalia lagu joojiyay gaadiidka xildhibaanada baarlamanka ay la tagi jireen gudaha Madaxtooyada gaar ahaan xaruntooda Villa Hargeysa.

Si rasmi ah looma oga sababta, hase yeeshee xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in amar laga soo saaray madaxtooyada lagu joojiyay gaadiidka xildhibaanada ee tagi jiray Villa Hargeysa oo ku dhax-taalla Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in gaadiidka ay dhigtaan ka horjeedka xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka kuna dhow taliska ciidanka 60-aad ee gudaha Madaxtooyada.

Arrintaan ayaa la aaminsan yahay inay raad la leedahay go’aan maalmo ka hor lagu joojiyay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo looga soo horjeeday madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xukunka uga haray laba toddobaad, mana cadda xaaladda uu dalka geli doono kadib marka la gaaray 7-da Febraayo oo ah maalinka ugu dambeysay xukunkiisa.