James Swan oo shaaciyey qodobadii uu hordhigay Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiilka xogyahaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay kulankii uu shalay la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Deni.

Swan ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Deni ay kaga wada-hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, oo xiligan u muuqda mid meeqaamkiisu hoos u dhacay.

“Aniga iyo Madaxweynaha waxaan ka wada-hadalnay u diyaar garowga doorashooyinka. Waxaana u iftiimiyay baahida loo qabo tanaasul wax ku ool ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si heshiis looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, waana danta qaranka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku carabka ku adkeeyay in xal laga gaaro doorashada uu muranka ka taagan yahay, wuxuuna ku booriyay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay wada-shaqeeyaan iyo in la helo qaabab lagu xalliyo arrimaha taagan, si hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo ay uga dhacdo guud ahaan Soomaaliya.

“Tani waa arrin deg-deg ah. Waxaa la joogaa waqtigii xalka,” ayuu yiri Swan, isaga oo adkeynaya muhiimada ay leedahay in xal kama dambeys ah laga gaaro muranka dabada dheeraaday ee doorashada dalka, xili uu muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedka dowladda.

Ugu dambeyntiina waxa uu si weyn uga mahad celiyay madaxweynaha Puntland soo dhoweynta diiraneyd ee uu u fidiyay, wuxuuna muujiyay niyad sami ku aadan xaalada dalka, isagoona balan qaaday inuu sii joogteyn doono wada-shaqeynta maamulka iyo shacabka Puntland.