Qoor Qoor oo ka horyimid tanaasul loo sameeyey Axmed Madoobe iyo Deni

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saraakiil ku dhow madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu ka horyimid fulinta dalab ay soo jeediyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kaas oo ku aadan doorashada Soomaaliya.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in wada-hadal khadka taleefonka ah oo ay yeesheen xubnaha beesha Caalamka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland loogu ogolaaday labadaas maamul in wax laga badalo qodobada muranka ka taaganyahay ee doorashada Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in dhankooda diideen iyagoo sabab kaga dhigay in aysan macquul aheyn in markasta sida ay rabaan loo yeelo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yeelo.

Taa beddelkeed Qoor Qoor, oo ku dhow Villa Somalia, ayaa doonaya in shir guud la isugu yimaado marka hore, si dhammaan looga wada-hadlayo arrimaha taagan, balse aysan xal aheyn in dhinacyo gaar ah la qanciyo.

Qoor Qoor ayaa markii uu ka dhinac hadlay ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhowaaqaya doorasho aan loo dhameyn, wuxuu weeraray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isaga oo sheegay inuu ka heli waayey jawaab uu ka sugayey.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo ka duulaya tabashada Galmudug ayaa Axaddii u safray Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in uu arrimo ku saabsan murankaas kala hadlay Qoor Qoor.

Inkastoo maalmahaan laga dareemayay siyaasadda Soomaaliya xoogaa isu soo dhawaasho ah ayaa haddana la soo warinayaa in dhinacyadu sii kala tagayaan kadib markii wax laga badalay qaar kamid ah qodobadii la isku heestay loona yeelay sidii ay rabeen Jubaland iyo Puntland.