Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BELED-XAAWO

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda degmada Beledxaawo ee gobolkaasi,kadib markii ay saacadihii la soo dhaafay ku dagaalameen ciidanka dowladda & kuwa Janan.

Degmada Beledxaawo waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka, mana jiro wax rasaas ah oo saacadihii ugu dambeeyey laga maqlay gudaha magaaladaasi.

Saraakiiisha laamaha amniga ayaa sheegay in amniga uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana la’isku haleyn karo.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale bilaabay inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, kuwaas oo horey uga barakacay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

Dhinaca kale saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Beledxaawo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda guud ee magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda Beledxaawo ayaa isku bedashay mid dagaal, kadib markii  habeen hore ay weerar ku soo qaadeen ciidamada uu horkacayo wasiirka amniga Jubaland.