Beyle oo ka laabtay go’aan uu shalay ku dhowaaqay oo la xiriiray qaadka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka laabtay hadal uu shalay ku sheegay in qaadka laga keeni karo dal kasta, taasi oo loo fahmay in la fasaxay qaadka Kenya

Beyle ayaa beeniyey in dowladda federaalka ay si rasmi ah u fasaxday keenista qaadka maalin weliba ka imaan jiray dalka Kenya, kadib markii uu shalay shaaciyey inuu furan yahay bixinta shatiyada qaadka, lagana keeni karo dalka.

Beyle ayaa sheegay in hadalkiisa loo fahmay si khalad ah, islamarkaana kaliya uu ka hadlay Qaadka Hareriga ee laga keeno dalka Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aankiisa uu ahaa sidii meesha looga saari lahaa inuu dad gaar ah u xirnaado keenista Qaadka nooca Hareriga.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid si gaar ah loogu xiray ka ganacsiga Qaadka, islamarkaana ay u furan tahay qof kasta oo raba inuu keeno dalka.

“Hadalkeygu wuxuu daba socdaa kii shalay, waxaan ka hadlay oo aan doonayaa in aan caddeeyo Qaadka Hareriga dadka qaarkood ay sheegeen inuu dad gaar ah u xiran yahay, haddii si khalad ah loo fahmay arrintu Qaadka Hareriga kaliya ayey ku saabsan tahay,” wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa horey u hakisay Qaadka nooca Miirooga ee laga keeni jiray dalka Kenya, tan wixii ka dambeeyey xayiraadaha cudurka Coronavirus, wuxuuna sidoo kale go’aankaasi saameyn xoogan ku yeeshay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.