Kenya oo war labaad kasoo saartay dagaalkii B/Xaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta si toos ah uga jawaabtay eedeyntii kaga timid Soomaaliya ee la xiriirtay iney qeyb ka noqotay dagaalkii Beled Xaawo ka dhacay, waxeyna sheegtay inuu dagaalkaas yahay mid dhex-maray Soomaali.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matinagi ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu dhexmaray laba ciidan oo Soomaali ah, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku laheyn dowladda Kenya.

“Kenya wax lug ah kuma lahan dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo dagaalka qeyb ka ahaa kana tallaabay xadka Soomaaliya, ma garan karno waxey arintaas ula jeedaa, dagaalka waa mid Soomaali u dhaxeeya,” ayuu yiri wasiirka.

Jawaabta ka timid Kenya ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay si cad ugu eedyesay dhigeeda Kenya iney soo hubeysay waxa ay ku sheegtay maleeshiyaad oo soo weeraray magaalada Beledxaawo.

Jawaabta ay maanta bixisay Kenya ayaa ah mid toos ah oo ka duwan tii shalay oo ay ku gaabsatay kaliya inay walaac ka muujisay xaaladda ka jirta magaalada Beledxaawo oo dhacda xadka labada dal.