Dadweyne fara badan oo maanta buux dhaafiyey isbitaallada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta isbitaallada Muqdisho buux dhaafiyey boqolaal shacab ah oo ka kala yimid inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadkaan ayaa raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdosho.

Isbitaallada Madiina iyo Digfer ayey dadku isugu tageen, halkaas oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale waxaa jira dad badan badan oo nolol iyo geeri la waayey, maadaama qaraxu uu geystay dhibaato aad u ba’an, islamarkaana uu saameeyey dad badan oo rayid ahaa.

Dhinaca kale wasiirka wasaarafadda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladda dadka dhaawacyada ah ee la dhigay isbitaallada waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareeyey ayaa sheegay in dhaawacyada kuwa daran maanta loo qaadayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan Turkiga.

Sidoo kale wuxuuu tilmaamay inuu Turkiga uga mahadcelinayo sida deg dega ah oo uu ugu soo gurmaday dadkii ay waxyeelo ka soo gaarty qaraxii Ex-Koontarool Afgooye.

Tan iyo shalay markii uu dhacay weerarkaan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa socda gurmad xoogan, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay guddi u saartay dhacdadaasi.