Dagaal Al-Shabaab ku dhex-maray JILIB + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa imanaya kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir.

Jaabir ayaa la sheegay inuu kamid yahay horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka kooxda ka tirsan ee weeraray guriga horjooge Jaabir ayaa waxay toos uga amar qaatan Mahad Karataay oo kamid ah hoggaanka sare ee kooxda, kadib khilaaf soo kala dhex-galay, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay shan xubnood ayaa ku dhintay dagaalkan tooska ah ee degmada Jilib ku dhexmaray kooxda, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray, kaas oo la sheegay inay qaateen isaga oo dhaawac ah maleeshiyaadkii soo weeraray.

Dhinaca kale, Dagaal-yahaano daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda Al-Shabaab Salmaan Muhaajir ayaa isku diyaarinaya inay weeraro ku qaadan xabsi ku yaalla gudaha Jilib, oo dhawaan lagu xiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaanib ah, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa shalay baahisay inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kooxda oo laba garab kala noqday, kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Khilaafka ayaa markii hore sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan Kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada Jubbaland.

Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Kabsuuma ay habeenimadii aheyd Khamiista gaari kala dageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda.

Maxamed Amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta, wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada Guriceel, sida warbixinta lagu sheegay.

Ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waana kan ay qorsheynayaan inay weeraraan xubnaha taabacsan horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda.

Si kastaba, Mahad Karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan horjoogaha cusub ee Ajaanibta Jacfar Suudaan oo kasoo jeeda Sudan, si ay uga taqalusaan garabkii Salmaan Muhaajir.