Sawirro: Taariikh cusub oo maanta lagu qoray VILLA SOMALIA xilli Xasan Sheekh uu qaabily saddex safiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Taariikh cusub ayaa maanta laga qoray Villa Somalia, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah u hilmaamtay xusuusta dagaalkii 77, soona celisay xiriirka Cuba, oo ahaa dalkii u hiiliyey itoobiya, ee horseeday in laga adkaado Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada iyo Cuba ee Sooomaaliya loo soo magacaabay.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynuhu waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, danjiraha cusub ee Canada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah danjiraha dalka Cuba u fadhin doona Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxay danjireyaasha la wadaageen farriimo ay ka sideen madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan xiriirka ay la wadaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh iyo danjireyaasha Jabuuti, Canada iyo Cuba ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in soo celinta xiriirka dalka Cuba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa “Soomaali Heshiis la ah Dunida.”

Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya.

Cuba oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii.

Dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xilligaas xiriirka u jartay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyaga oo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas.

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.