Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Sool

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Dhabar-dalool oo tirsan degmada Xudun ee gobolkaas uu shalay galinkii dambe ka qarxay dagaal xoogan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeya labo Beelooda oo deegaankaas wada dega oo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, waxaana lasoo warinayaa in ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah ay ku naf waayeen dagaalkaas.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada beel ay isku haysteen dhul balaarsi, kadib markii mid kamid ah beelahaas uu qorsheynayay inuu Ceel-biyood ka qoto deegaanka Dhabar-dalool.

Mana jiro ilaa hadad wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalka labada beel oo sababsday geerida dad hor leh.