Biden oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah safiir cusub ugu soo magacaabay Soomaaliya, islamarkaana xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo uu xalay magacaabay Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah.

Andre iyo safiirada kale ayaa u baahan inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka kahor inta aysan qaban xilalka loo magacaabay, taasi oo qaadan karta muddo bilo ah, waxaana intaas sii shaqeynaya safiirada hadda xilka haya. 

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20, 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017.

André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah.

Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.