Dagaal beeleed xoogan ka bilowday magaalada..

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhaxeeyo maaleeshiyo beeleedyo wada daga Hiiraan ayaa ka socdo magaalada Beledweyne, kaasi oo saaka aroortii ka bilowday magaalada Beledweyne.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socdo xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, wuxuuna ka dambeeyay markii xiisad laga dareemay magaalada kana dambeysay dil dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Iyadoo xiisad dagaal ilaa shalay ka taagneyd magaalada Beledweyne una dhaxeyso labada maleeshiyaad ayaa waxaa dagaalka saaka uu ka bilowday markii mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya rasaas ku fureen gaari maleeshiyaadka kale leeyihiin.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay garoonkii hore ee xaafada howlwadaag, kaasi oo markii dambe  ku faafay xaafada Howlwadaag.

Labo ruux oo shacab ah ayaa lasoo sheegayaa in ilaa iyo hadda la ogaaday iney ku dhaawacmeen dagaalka ka socdo magaalada Beledweyne.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Hiiraan iyo kan degmada oo ay kaga hadlayaan dagaalka ka bilowday magaalada Beledweyne.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com