Jawaari oo ku dhowaaqay muddo kororsi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamulada dalka ayaa ka hor yimid dalab uu hordhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ku saabsan qaabka doorashada 2016 ee lagu gaarayo hiigsiga cusub, isagoo shirarkii gaarka ahaa ee u socday madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada ku soo bandhigay fekerkiisa oo ay la qabaan xildhibaanada Baarlamaanka federaalka.

Prof. Jawaari ayaa soo jeediyay in Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira loo kordhiyo muddo 2 sanadood ah, isla markaana la doorto madaxweyne cusub, lana dhiso xukuumad cusub oo dhameystirta sharciyo badan oo qabyo ah si loo gaaro doorasho ka dhacda dalka oo dhan.

Arrintan ayaa u cuntami weysay madaxda maamulada dalka oo Jawaari si cad ugu sheegay in xitaa saddex sano aan lagu qaban karin sharciyada harsan, ayna qasab tahay in isbedel dhinac waliba leh uu ka dhaco dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa looga adkaaday doodiisii ahayd waqti kordhinta, waxaana weli socda sidii loo heli lahaa qaab doorasho oo lagu soo xulo Baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com