Xog: Hoggaamiyaha Daacish oo dhuumasho ku jooga dal aan laga fileynin joogitaankiisa kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Iran ee FARS ayaa qortay warbixin la xiriirta dhaawac la sheegay inuu soo gaaray Hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar Albaqdaadi.

Wakaaladu waxa ay sheegtay in Abu Bakar Albaqdaadi uu ku dhaawacmay duqeyn bishii October ee sanadkan lala eegtay, waxa uuna qoraalka intaa kusii daray in dhaawaca Hogaamiyaha lagu dabiibay Turkiga, sida ay qortay FARS.

FARS oo xiganeysa Saraakiil sirdoon ayaa sheegtay in Abu Bakar Albaqdaadi uu iminka ku sugan yahay magaalladda Sirta ee dalka Libya, waxa ayna wakaaladu sheegtay in Albaqdaadi uu xiligaani baxsad ka yahay diyaaradaha Britain, Farance, Ruushka iyo Mareykanka.

Sidoo kale, FARS oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Libya ayaa sheegtay in Albaqdaadi uu xiligaani yahay mid ku sugan qeybo kamid ah magaaladda Sirta ee dalka Libya.

Abu Bakar Albaqdaadi oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay Dowlada mareykanka ayaa waxaa hadana daba socda duqeymo ay ku hayaan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iyo Dowlado kale.

Dowladaha ugu quwada weyn caalamka ayaa tartan lixaad leh ugu jira dilka Abu Bakar Albaqdaadi oo ka danbeeyay daadinta dhiiga shacab badan oo kasoo kala jeeda dalalka reer galbeedka, Carabta iyo qaar u dhashay Afrika oo ay kamid ahaayen muwaadiniin Ethiopian ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com