Qorshe la doonayo in madaxda Soomaaliya lagu saaro cunaqabeteyn caalami oo lasoo jeediyey.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo jeediyay fikrad lagu cunuqabateyn karo madaxda dowlada ee caadeysatay iney musuq maasuqaan dhaqaalaha dowlada Soomaaliya loogu talo galay.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa soo jeediyay in la sameeyo gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa, kaaso oo uu sheegay inuu yahay xalka kaliya ee looga hortagi karo musuq maasuqa ay sameeyaan madaxda.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha ineysan jirin masuul Soomaliyeed oo loo xiray ama loo maxkamadeeyay musuq maasuq dhaqaalo oo ay sameeyeen, balse marar badan madaxda Soomaalida ayaa loosoo jeediyay musuq maasuq ay sameeyeen, waxaana ugu dambeeyay 19 wasaaradood oo musuq lagu eedeeyay.

“In Hay’adaha ka shaqeysanaya ama baaraya kiisaska la xiriira musuq maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan oo hakuu tilmaamo waddo aad mareyso, waxyaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah in la dhiso Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaa kaloo muhiim ah iyana in la dhiso guddiga Madaxa banaan ee garsoorka.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in gudiga la dagaalanka musuq maasuqa ay ka shaqeynayaan la xisaabtanka hayadaha musuq lagu eedeeyo, sidaasina lagu gaari karo dal ka hortaga musuq maasuq baahsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com