Madaxweyne ku xigeen oo ka goostay Ahlu-Suna

Cadaado (Caasimada Online) – Mid kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu sunna ayaa tagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Galmudug ee Cabdi kariin Xuseen Guuleed uu hogaamiyo.

Cabdulaahu Xersi Diirshe “Daacad”, oo kamid ahaa madaxweyne ku xigeenada Ahlus unna ayaa tagay magaalada Cadaado, isaga oo ku dhawaaqay inuu wadahadal la galayo maamulka Galmudug.

Diirshe Daacad, ayaa kamid ahaa madaxweyne ku xigeenada Ahlu sunna ee xiriirka dhow la lahaa maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr Diirshe Daacad uu isaga baxay maamulka Ahlu sunna oo ay isku fahmi waayeen arimo ay kamid yihiin in wadahadal lala galo maamulka Galmudug oo xaruntiisa tahay magaalada Cadaado.

Maamulka Ahlu sunna ayaa kasoo horjeeda in wadahadal ay la galaan maamulka Galmudug, waxaana la sheegayaa ineysan ku qanacsaneyn qaab qaar kamid ah Ahlu sunna looga qeyb galiyay golaha wasiirada galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa dhawaan shaaciyay inuu wadahadal la galayo maamulka Ahlu sunna, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dowlada Ethiopia ay dadaalkaasi waddo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com