Dagaal culus oo caawa ka dhacay Garasbaaley

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa la weeraray Xarunta Degmada.

Ibraahim Maxamed Rooble Gudoomiyaha Garasbaaley ayaa sheegay in dhankooda aan jirin Khasaare kasoo gaaray Dagaalka.

Ciidamada Xarunta ku sugnaa ayuu tilmaamay in ay iska caabiyeen Kooxdii weerarka ku qaatay, inkasta oo uu sheegay in aan kala garaneyn cidda ay ahayd.

Goobaha Ganacsiga ayaa mar qura la wada xiray, kadib markii rasaasta labada dhinac is qabsatay, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Gaadiidka Xaafadaha isaga kala gooshayay ayaa iyanne istaagay, inkastoo markii dambe ay dib u bilaabawdeen.

Ciidamada Ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan Weerarka.

Ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan Caawa lagu qaaday Xarunta Garasbaaley, maamulka ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidda ay ahayd dhinaca weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com