Kenya oo gudbisay jawaabtii dacwadda Badda Soomaaliya

Saxaafadda Adduunka ayaa si weyn u hadal haysa Kiiska Dacawadeed ee ku aaddan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay Dowladda Kenya maanta gudbisay jawaab celintii laga sugayey.

Telefeshinka DW ee dalka Jarmalka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay muhiimadda uu yeelan doono go’aanka ay gaari doonaan garsooreyaasha caalamiga ah ee Maxkamadda Hague, maadama uu noqonayo mid dhaqan gal ah oo ay tahay in uu hoggaansamo dalka lagaga guuleysto.

Warbaahinta si dhaw ula socota gal-dacwadeedka ay maanta gudbisay Dowladda Kenya ayaa xaqiijinaya in Kenya ay ku adkaysanayso in aysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwaddan maadaama labada dal arrinkan ka gaareen heshiis is afgarad sanadkii 2009kii.

Heshiiskan oo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan ayey Kenya ku dacwoonaysaa in uu saxiixay Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdirixmaan Cabdishukur.

Warbaahinta ayaa xaqiijisay in ay hakiyeen baaritaankooda shirkado ay Dowladda Kenya siisay qandraasyo la xiriira baaritaanka shidaalka lagu tuhunsan yahay aag-badeedka uu muranku ka taagan yahay.