Musharixiinta Puntland oo ka hor doorashada ka qeyb galaya tartan aan noociisa oo kale uusan horey u dhicin

Garowe (Casimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa ka hor doorashada Puntland waxay yeelan doonaan Tartan noociisa kii ugu horeeyay ah oo Musharixiin ay ka qeyb galaan.

Tartanka ayaa ka dhacaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana wararka ay sheegayaan inay ka qeyb gali doonaan inta badan musharixiinta deegaanada Puntland.

Tartankaasi oo ah Ciyaarta Kubbada Kolayga “Basket Ball”  ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamid ah musharixiinta ku tartamaya magaalada Garowe, oo qaarkood si weyn u yaqaana arrimaha ciyaaraha.

Waxay musharixiinta u muuqdaan kuwo is tijaabinaya kahor inta aysan ka qeyb galin doorashada Puntland oo sida qorshaha uu yahay dhaceysa 20 maalin kadib sida la filayo haddii uusan isbadal imaan.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa kulankan ka joojisay in lagu qabto garoonka ciyaaraha Mira Awaare qaybtiisa kubadda Kolayga oo dhowaan madaxweynaha Puntland dhisme cusub uu dhagax dhigay.

Musharixiinta Puntland ayaa mid Walbaa wuxuu doonayaa inuu noqdo shaqsiga badalaya madaxweyne Gaas, balse Ciyaartaa ayaa noqoneyso halkii ugu horeysay oo ay isku arkaan maadaama safaro ay ku jireen muddooyinkii ugu dambeeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com