Dhageyso: R/Wasaarihii hore ee Somalia oo soo jeediyey in awood loo adeegsado mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalida Cali Maxamed Geedi ayaa ku baaqay in awood lagu maquuniyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda hadda haysa talada Soomaaliya.

Geedi oo ka hadlay shir maanta ka dhacay Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib badan iyo tuugmo loo soo maray, hase yeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono.

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo, jidadka hala xiro, xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo shacab laguma aadee guriga ayaa loogu tegayaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu yiri “Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo” kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay.

Dhageyso codka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com