PUNTLAND oo shaacisay xildhibaanada cusub ee ilaa hadda lasoo xulay

Garoowe (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Guddiga ku howlan diyaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in saddex meelood labo meel oo ka mid ah tirada Baarlamaanka Maamulkaas la soo dhameystiray.

Guddiga ayaa sheegay in waqtiga ugu dambeeya ee la dhameystiri lahaa diyaarinta Baarlamaanka Puntland ay ku ekeyd 15-ka Bisha  December, hase yeeshee beelaha loogu daray muddo 5 cisho ah kama dambeysna ay tahay 20-ka Bishan December.

Guddoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka ee dhismaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 44 Xildhibaan oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Puntland la soo dhameystiray.

66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa 8-da Bisha January ee soo socota dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo uu dhowr jeer fagaaro ka sheegay in uusan musharrax noqoneyn marka uu u dhamaado muddo xileedka 1aad.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com