DAGAAL culus oo dib uga qarxay duleedka Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha haatan kasoo horjeedo maamulka.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid, kadib markii ciidamada HirShabelle oo kaashaanaya kuwa dowladda, gaar ahaan qeynta 27-aad ee Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada sarkaalkaasi ka sameysteen duleedka dhinaca waqooyi ee  magaalada, waxaanka halkaasi haatan ka socda iska hor imaad u dhexeeyo labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka socdo deegaanka Qowlad, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kal duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli rasaas xoogan laga maqlayaa duleedka Beledweyne.

Dagaalkan ayaa daba socda iska hor imaad habeenkii Jimcaha ka dhacay Beledweyne, kadib markii la weeraray kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xiisaddaas ayaa hanjabaad u diray saraakiisha kasoo horjeeda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, wuxuuna sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga, sidoo kalena ay ka hortagi doonaan dadka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Dhanka kale waxaa magaalada Beledweyne haatan ka billowday dibad-bax rabashada wata oo ay dhigayaa bulshada deegaanka, kuwaas oo kasoo horjeeda weerarka lagu qaaday sarkaal Nuure oo ka mid ahaa saraakiishii la baxay bad-baadada Hiiraan.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ku qeylinayo erayo ka dhan HirShabelle, waxaaya dhagxaan iyo biro ay ku gooyeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayo dagaalka oo saameeyn dadka deegaanka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii