XOG: Laba qodob oo dhabar-jab ku ah FARMAAJO oo hor-yaalla shirka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu Isniinta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ay soo wada gaareen dhammaan madaxweyne goboleedyada dalka.

Hase yeeshee, shirka ayaa wajahaya caqabad xooggaan, waxaana yar fursadda laga qabo in lagu meel-mariyo laba qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay gadaal ka riixayaan ra’iisul wasaare Rooble iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobka koowaad ayaa ah; in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah u daneynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe, oo ay caqabad ka kala haysato magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii hore ka cago jiidayey fikraddan ayaa la sheegay inuu hadda taageerayo kadib markii ay isku xumaadeen Farmaajo, oo aad uga soo horjeeda arrintan, horeyna uga digay.

Qodobka labaad ayaa ah; in ra’iisul wasaare Rooble doonayo in shirka laga soo saaro baaq ah in amniga dalka si buuxda ra’iisul wasaaraha loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanu dalka doorasho hufan ka dhici karin

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.

Si kastaba, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo ayaa lagu war-geliyey inaysan marnaba ogolaan labadan qodob, waxaana diidmadooda ay ka dhigi kartaa in shirka uu kusoo dhammaado natiijo la’aan, ama laga soo saaro qodobo aan macno badan laheyn oo guud. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii