Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo sheegay in lagu deg-degay go’aankii W/Amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo u warramay Universal TT ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Maxamed Nuur oo amar ku bixiyey in ciidamada dharcadda ee NISA ay isaga baxaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo baahanaa in tallaabo adag laga qaado ciidamada NISA ee ka howl-gala garoonka, oo uu ku eedeeyey inay juujuubaan ama handadaan siyaasiyiinta ka firkirka duwan dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Daahir ayaa dhanka kale xusay in lagu deg-degay go’aanka wasiirka amniga, wuxuuna tilmaamay inay habooneyd in kaliya la beddalo hoggaanka NISA ee Aadan Cadde.

“Xoogaa waxaad moodaa warqadda in lagu deg-degay, sababtana wax kale ma aha ciidankaas waxay mudan yihiin in hoggaankooda marka hore la beddalo, haddii ay ku waana qaadan waayaana iyaga dhanba meesha laga beddalo,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “In gabigood garoonka laga bixiyo waxay qatar gelineysaa amniga guud ee garoonka,”.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaqooyinka ay garoonka ka hayaan booliiska iyo nabad sugida, wuxuuna tilmaamay in ciidamada booliska ay u xilsaaran inay koontaroolaan kastamka, halka ciidamada NISA ay ka shaqeeyaan amniga garoonka, si ula socdaan dadka soo galay dalka & kuwa ka baxaya.

“Booliska waxa ay inta badan ku howlan yihiin oo ay ka shaqeeyaan dhinaca kastamka waxa soo galaayo iyo waxa ka baxaayo dalka ayey koontaroolaan, halka nabad sugidda shaqadooda ay tahay sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si aysan dalka usoo gelin ama uga bixin dad la raadinaayo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Ismaaciil.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa horeya uga howlgeli jiray ciidan nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii