Rooble oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Yaasiin Farey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble toos xilka ugama qaadi karo Yaasiin Farey, hase yeeshee wuxuu horgeyn karaa Golaha Wasiirada oo leh awoodda xilka ka qaadista. 

Yaasiin Farey waxaa lagu tilmaamaa gacanta midig ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona uu Ra’iisal Wasaaruhu tuhunsan yahay inuu caqabad ku noqon karo hufnaanta doorashada.

Sida muuqata, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qaadaya tallaabooyin dhowr ah oo lagu cadaadinayo Yaasiin Farey, kahor inta aan si toos ah xilka looga qaadin.

Dhawaan wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Yaasiin Farey ku amray inuu warbixin dhameystirsan ka keeno sababta iyo halka uu ku xiran yahay Mukhtaar Roobow, hase yeeshee Yaasiin ayaa waqtigii loo qabtay ku soo diray warbixintaas.

Mar kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Yaasiin Farey ku amray inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo faray in ammaanka garoonka uu si buuxda ugu gacan geliyo ciidanka booliska.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa.

Yaasiin Farey waxa uu hormuud u yahay khilaafka haatan dib uga soo dhex cusboonaaday Ra’iisal Wasaaraha iyo Farmaajo, kadib markii uu muran xoogan hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, kaas oo sida la sheegay uu Yaasiin Farey kusoo baxay, bishii November.

Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA ayaa galaaftay toddoba xubnood oo ka mid ahaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ka dib markii si aan sax ahayn ay u maareeyeen cabashadii laga keenay kursigaasi. Ra’iisal Wasaaraha ayaana 18-kii December shaqada ka eryay xubnahaasi.

Yaasiin Farey oo sidoo kale ku magacaaban Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayuu Madaxweyne Farmaajo bishii September u magacaabay inuu noqdo Kusimaha Hay’adda NISA, maalmo ka dib xil ka qaadistii uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay Taliyihii hore ee hay’adaasi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe, Golaha Wasiirada ayaa taageeray dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda amniga caasimadda, si ay inoogu dhacdo, buu yiri, doorasho nabdoon oo xasilloon.

“Waxaa la ayiday oo la taageeray qorshaha amniga caasimadda oo horey loo ansixiyay, si loo dardargeliyo amniga caasimadda. Amniga caasimadda iyo qorshaha amniga caasimadda oo abuurayay guddi ciidan oo isku dhaf ah, oo ka kooban dhammaan Ciidamada Qalabka Sida,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda caasimadda ayaa iyagana la taageeray oo la ayiday, iyadoo loogu talagalay dhammaan 17-ka degmo in si degdeg ah looga hawlgalo, si ay inoogu dhacdo doorasho nabdoon oo xasilloon.”

Haddii Rooble uu meesha ka saaro Yaasiin Farey waxa uu noqonaya ninkii 3-aad ee ku dhow Madaxweynaha ee uu meesha ka saaro, marka laga soo taggo Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane, oo soo noqday Madaxii Shaqaalaha ee Hay’adda Sirdoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii