C/llaahi Maxamed Nuur oo sharaxaad cusub ka bixiyey amarkii ka dhanka ahaa NISA ee garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xalay Agaasimaha KMG ah ee NISA, Yaasiin Farey ku amray in ciidanka NISA uu ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey amarkaas.

Wasiirka ayaa qoraal kale oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in amarkaas uusan quseyn ciidamada NISA ee ilaaliya baraha control ee laga galo garoonka, balse uu ku kooban yahay dharcadda ka howlgasha gudaha garoonka.

“Isbedelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka). Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray fiidkii hore ee xalay waxuu ku shaaciyey in go’aanka ciidanka NISA looga saarayo garoonka la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in ciidamada NISA ay ku kaceen xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, kuwaas oo cadeymo loo hayo, sida uu sheegay.

Amarka wasiirka ee lagu dalbaday in ciidanka dharcadda ah ee NISA laga saaro gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa laga sugayaa Yaasiin Farey inuu dhaqan geliyo Axadda maanta ah, sida ku cad warqadda wasiirka amniga.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray ciidan Nabadsugid dhar-cad ah, waxayna ciidankan markii hore si toos ah u hoos tegi jireen kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, inta badana waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo in dadka ka dhoofaya garoonka qofkii ay doonaan laga xanibo safarkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii