Shan QODOB oo ay tahay in lagu xaliyo shirka Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa saacadaha soo socda kulan ku yeelan doona caasimadda Muqdisho kadib fashilkii afgambi uu hormuud ka ahaa Farmaajo oo dhacay todobaadkii hore.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Cali Guudlaaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen iyo Jubbaland Axmed ayaa ku sugan Muqdihso, iyaga oo ajiibay codsiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ee ahaa shirka wadatashiga.

Qaar ka tirsan madaxda oo maalmo sii joogay ayaa la kulmay ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey iyo safiirro ka socday beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Shan qodob oo ay tahay in xoogga lagu Saaro:

Sixidda Habraacyada: Waxaa jira cabasho ka jirta habraacyada, iyada oo guddiga doorashada ee heer federal iyo kuwa maamul goboleedyada iyo xataa madaxda maamul goboleedyada ay meel uga dhaceen hab-raacyada sida xulista, ergada iyo doorashada xildhibaannada golaha shacabka, waxaana soo baxay kiisas badan oo ku saabsan is daba-mareyn ay sameeyaan SIET, taasi oo keentay in la dhaliilo qaabka wax u socdaan, keeneysana baahida loo qabo inn hadda la saxo si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Xulista Ergada: Xulista ergada waa caqabad kale oo ay tahay in wax laga qabto, loogana hadlo shirkan, waayo ilaa hadda ma jirto hal guddi oo SIET ah oo shaaciyey magacyada ergada, qaabka loo xulay, beesha ay ka tirsan yihiin, xataa intooda badan lama arko wejiyadooda iyo cidda ay yihiin. Arrinta xulista ergada waa dodo badan ka keenay musharaxiinta, odeyaasha, bulshada rayidka ah iyo xataa korjoogeyaasha, waxaana la joogaa in shirka lagu saxo arrinkan.

Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada: Aqalka sare ilaa hadda oo lagu jiro golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday in ay dhacdo doorasho, keliya waxaa soo baxa cidda ay xushaan maamul goboleedyada, iyaga oo gacanta ku haya guud ahaan doorashada. Maamul goboleedyada cid aaney dooneyn ma noqon karo musharax, ma ahaan karo odey, ergo ama xataa korjooge. Waxaa jiray kuraas badan muran ka jiray sida HOP#67, HOP#103 iyo HOP#154.

Kaalimaha SIET, FIET/EDRC: Doorashadan waxaa ay meesha ka saartay kaalinta (FIET) iyada la awoodsiiyey SIET maadaama ay ku yimaadeen xulista madaxda maamul goboleedyada, waana kooxda dambe cidda ay ku shaqeystaan madaxda maamul goboleedyada, oo ay doorashada ku dhacaan.

Waxaa intaas dheer, FIET xilligan malaha guddoomiye, oo Maxamed Cirro oo u ahaa waxaa la ceyriyey, waxaa kale oo isna ra’isul wasaare Rooble eryey guddoomiyihii iyo iyo 6 kale oo ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka, labada dhacdo waxaa ay dhaceen dhammaadkii December.

Kooxdan la ceyriyey waxaa lagu eedeeyey iney ku milmeen siyaasaha socda, shaqo gudasho la’aan, tusaale ahaan guddiga xalinta khilaafaadka waxaa uu fasaxay kuraas muran ka jiray sida Yaasiin Farey iyo Mahdi Guuleed, waxaa kale uu wax ka qaban waayey kuraas kale oo cabasho laga keenay kuraasta 237, 239 iyo 255 iyaga oo lacagta iska qaata.

Jadwal Doorasho oo Cusub: Waxaa in ka badan afar jeer lagu guuldareystay jadwalka doorashada, waxaana kulankan uu noqon karaa mid lagu dejiyo jadwal doorasho, oo la hubo xilliga lagu soo gabagabeyn doono doorashada golaha shacabka, la dhaarin doono labada aqal, guddoon dooran doonaan isla markaana ay noqoneyso doorashada madaxweynaha.