28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dagaal culus oo dib uga qarxay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamul-goboleedka HirShabelle.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Calaag oo ku yaalla xadka labada gobol, iyada maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in labada beelood ay isku hayaan arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed ku yaalla halkaasi, waxayna xiisaddooda isku rogtay dagaal toos ah.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa helayo gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo muddo ay ka taagan tahay colaad xooggan.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in colaadda ay sii ballaarato, isla markaana dagaalka uu sii socda, maadaama aan weli la helin cid kala dhex gasha labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo weli ay horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay HirShabelle oo ku aadan dagaalkan mar kale dib uga qarxay qaybo kamid ah deegaannadeeda, kaas oo durbo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay guud ahaan HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News