Dagaal culus oo ka dhacay GALGADUUD + Khasaaraha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa deegaanada Docoley iyo Baxda-Gaabo, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaadkaas oo wada daga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran ka dhashay baraago laga qoday deegaanadaasi, iyada oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, sida ay Caasimada Online u shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee isku diriray halkaasu.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug ee ku aadan dagaalkaasi.

Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta, waxaana ay salka ku hayaan dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ay kala tirsanayaan beelaha qaar ee wada dega gobollada Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha dalkeena Soomaaliya.