Maxaa soo cel-celiyey weerarada Kenya ee Gedo?

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya, isla-markaana hoostago Jubbaland waxaa dhowaan ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya, iyada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro rayidka.

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena kasoo jeeda Jubbaland ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysanayaa gobolka Gedo, isaga oo shaaciyey in muddo dheer ay soo jireen weerarada ay Kenya ku heyso shacabka ee ku dhaqan gobolkaasi oo Soomaaliya ka mid ah.

Ciyaar Jecel oo u warramay telefishinka caalamiga ah ee Universal TV ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sababta soo cel-celisay weerarada ay inta badan ciidamada Kenya ka fuliyaan Gedo, wuxuuna ku sheegay inay tahay daan-daansi dagaal oo ay wado dowladda Kenya oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ahee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Kenya ay u aragto gobollada Gedo iyo Jubbooyinka meel laga difaaco dhulkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababta soo cel-celisa wey iska cadahay sidaad la socoto dowladda Soomaaliya iyo Kenya cilaaqaad xiriira oo ka dhexeeya haba-yaraatee ma jiro waa kuwa dhowr bilood ka hor xiriirkii kala qaatay waxa soo cel-celiyey waxaa weeye daan-daansi micanaha aan loo aabo yeelin, iyaga oo leh Gedo ama Jubbaland waxaanu ka dhiganeynaa meel aan ka difaacno Kenya,” ayuu  wareysigaan ku yiri Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay dowladda Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiso weerarada ay Kenyo ka wado dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Gedo, sidoo kale wuxuu ku booriyey siyaasiyiinta iyo shacabka inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay u cambaareysay duqeyntii u dambeysay oo Kenya ay ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde, taas oo ay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Hooyo Soomaaliyeed iyo caruurteeda.

Amisom ayaa sidoo kale maanta war cusub kasoo saartay duqeyntaasi, iyada oo sheegtay inay sameyn doonto baaritaan dheeraad ah, isla-markaana ay la shaqeyneyso dowladda.