Xog: Labada qof ee lagu tuhmayo dilkii Nafisa Cumar oo meydkeeda laga helay digsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gaba-gabo ah maraya baaritaanka dilkii fooshaa xumaa ee Muqdisho todobaadkii hore loogu geystay Nafiso Cumar Cabdullaahi oo 11 sano jir aheyd, taasi oo meydkeeda maalmo kadib laga dhax helay Digsi ku jira gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir. 

Waalidka Marxuum Nafisa ayaa sheegay in hay’adda Dambi Baarista ee Booliska Soomaaliya ee CID ay soo daayeen 3 qof oo kale oo qoyska kamid ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii la xiray maalintii ay arrintaan soo ifbaxday iyadoo lala haray laba qof oo walaalo ah. 

Aabe Cumar Cabdullaahi ayaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u sheegay in baaritaan gaar ah uu ku socdo gabar iyo wiil walaalo ah, islamarkaana ay walaalo ilma Abti ah ay ahaayeen hooyada dhashay Marxuum Nafisa, kuwaasoo la sheegay in guriga ay kaligood joogeen markii la weynayay Marxuum Nafisa oo 11 jir ah. 

Wiilka xiran ayaa jira 20 sano halka gabadhana ay jirto 16 sano, waxaana la helay cadeymo qaar oo la xiriirinaya in arrintaan ay iyaga ka dambeeyeen sida aan ka soo xiganay CID-da Soomaaliya oo kiiskaan gacanta ku heysa, balse weli laguma caddeyn arrintan.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodisho ayaa maanta warbaahinta u sheegay in kiiskaan uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan ay soo saari doonaan warbixin dhameestiran. Falkaan oo ahaa mid aad u fool xun ayaa cabsi weyn ku abuuray qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo ilaa hadda aad u hadal haaya.Â