Xog: Rooble oo fuliyey ballan uu ka qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka dalbaday in aysan ka hadlin rasaastii lagu furay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayay Khamiistii meel u dhow Maxkamadda Gobalka Banaadir. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in uu ka jawaabo wixii dhacay islamarkaana aaggaas laga wareejiyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ama xil ka qaadis lagu sameeyo taliyaha ciidanka Asluubta oo saacado kadib raali gelintii uu bixiyay ka laabtay. 

“Rooble, Xasan Sheekh iyo Mucaaradku waa wadahadleen waxayna ku ballameen in la qaboojiyo xaaladda isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada ka jirta wadadaas waana ka qabtay,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan Xafiiska Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar ayaa shalay ciidankii Asluubta ka qaaday goobtii lagu rasaaseeyey Xasan Sheekh, waxaana lagu beddelay ciidamo boolis ah, kadib markii uu sidaas amray ra’iisul wasaare Rooble.

Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa rasaaseeyay Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo arrintaas ay dhalisay hadal badan waxaana ilaa hadda ka hadlin Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, sababtuna waa codsiga Rooble oo diidanaa in arrinta ay kasii darto.