Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidanka SSC + Sababta

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qoray Zuu ah oo ay horay uga qabsadeen Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku soo waabariisteen dagaalka iyo xabadda oo socoto, iyaga oo intaas ku daray in ciidamada ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo cabsi ku beertay shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cabdifitaax Garbatole oo kamid ahaa raggii ku baxay inay kala dhex galaan ciidamada dagaalamay, sida uu sheegay Cabdisalaan Germany oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“Rabi Naxariistii Jano haka Waraabiyo Cabdifitaax Garbatole, oo saaka ku dhintay isaga oo ku dhex jira kalana celinaya labadii ciidan ee maraaga isku laayay Waa geeri Xanuun badan ilaahay ehelka samir iyo iimaan ha ka siiyo iyo dhamaan SSC ” ayuu yiri Cabdisalaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay degan tahay xaaladda, isla markaana uu istaagay dagaalkii saaka ka qarxay duleedka Laascaanood.

Dhinaca kale waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa si deg-deg ah ugu baxay xiisadda ka dhex qaraxday ciidamadooda, waxaana socdo dadaallo lagu soo afjarayo dagaalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa daganeyd xaaladda guud ee Laascaanood oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada SSC-Khaatuma iyo kuwa milatariga maamulka Somaliland.