Dagaal culus oo markale dib uga qarxay gobolka Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Huldooyaale oo hoosta Camaara oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka culus.

Dagaalka oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa salka ku hayo dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dib uga qarxay Huldooyaale uu ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la dhigay isbitaallada.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo lagu soo warramayo in dagaalka uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa.

Waa maalintii saddexaad oo uu dagaalkan ka socdo duleedka deegaanka Camaara oo isku hayaan labo beelood oo walaalo ah.

Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa sidoo kale haatan wada dadaallo looga hortagayo colaadaasi oo ku soo laa-laabatay gobolka Mudug ee bartamaha dalka.