Maryan Qaasim oo weerar ku qaaday culimada + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa culumada Soomaaliyeed aad ugu dhaleeceysay, sida ay u dayaceen doorkoodii shariifka ahaa ee dalku uga baahnaa.

Maamo Maryan Qaasim waxay sheegtay in culumada Soomaaliya aysan in dhahoodu qaban qaladaadka iyo gabood fallada ka dhaca dalka, balse markii gabar qalad ka dhaco ay afka furtaan.

Waxyaabaha ay ku dhaleeceysay culumada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah, sidii ay uga gaabsadeen markii ay dowladda madaxweyne Farmaajo Itoobiya u gacan gelisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ah muwaadin Soomaaliyeed, Itoobiyana ay markaas cadaw u arkeysay.

Xilligaas Maryam waxay ka mid aheyd golihii wasiirrada ee Kheyre hoggaaminayey, kuwaas oo kulan ay isugu yimaadeen ka shaaciyey in Qalbi-Dhagax iyo ururka uu ka tirsan yahay ee ONLF ay argagixiso yihiin, tallaabadaasna illaa hadda kama laaban dowladda madaxweyne Farmaajo.

Maryan Qaasim waxay sheegtay in maalinkaas ‘shakhsiyan’ Ilaahey waafajiyey towfiiqda oo ay ka mid aheyd wasiirro tiro yar oo diiday in xukuumaddii ay ka tirsanaayeen la qaataan mowqifkii ahaa in Qalbi-Dhagax iyo ONLF ay argagixiso yihiin.

Hadalka wasiir hore Maryan Qaasim oo ku socday culumada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed uu Guddoomiye Xaliimo Yarey ugu yeeray inay ka towbad keento hadal ay ka dhahday goob fagaare ah.

Xaliimo Yarey ayaa xiligaas sheegtay in Xaawo iyo Aadan isku si Alle u abuuray oo aan Xaawo laga abuurin feerta Aadan, balse saacado kadib ayey shacisay inay ka towbad keentay.

Maryan Qaasim ayaa qabta in doorka culumadu uu ku egyahay tafaftirka qaladaadka ka dhacaya haweenka, balse aysan arkin, qaladaadka iyo gabood fallada mararka qaar ka dhacaya dowladda ama xooggaga kale ee dalka ka jira.

Marka laga soo tago eedeynta Maryam Qaasim, hey’adda ay ku bahowday culumada Soomaaliyeed ayaa ku milantay xafiisyada ugu sareeya ee dalka laga maamulo, taas oo keentay in qaladkii ka dhaca dowladda ay badanaa culumadu ka gaabsato.

Hoos ka Daawo Maryan Qaasim oo wareysigan siisay TV-ga Universal.