Muxuu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ka yiri Soomaalida?

Washington (Caasimada Online) – Musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka, wuxuuna ku garaacay madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump.

Joe Biden iyo Donald Trump aad ayey ugu kala aragti duwanaayeen arrimaha Soomaalida, inkastoo madaxweynaha talada haya uusan aqbalin doorashadii dhacday, hadana waxaa jira hadalo uu Biden horay uga sheegay Soomaalida oo dib loo xasuustay.

Joe Biden wuxuu lasoo shaqeeyay Barack Obama, waxaana la xasuustaa inuu sanadkii 2015 ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo dadka kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku nool dalka.

Joe oo sideed sanadood madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la lahaa dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka, wuxuuna si gaar ah ula hadlay sida uu isaga xiriirka ula leeyahay.

“Soomaalida yar ee ku nool magaalada aan kasoo jeedo ee Delware waa ay muuqdaan, annigu gaar ahaan waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaalida ku nool magaaladaas haddii aad ii raacdo halka laga raaco tareenka, waa ay joogaan oo takaasiley ayay ka yihiin halkaas, xiriir wanaagsan ayaa iga la dhaxeeya,” ayuu yiri Joe Biden.

Biden wuxuu sheegay inuu si gaar ah saaxiibo ugu leeyahay bulshada Soomaalida, waxaana hadda muuqaneysa in Soomaalida ku nool Mareykanka ay aad ugu faraxsan yahiin guusha uu gaaray musharaxii xisbiga Dimoqoraadiga.

Hadalkaan wuxuu ka sheegay shirweyne ay kasoo qeyb galeen Muslimiinta oo ay Soomaalida ka mid yahiin, waxaana looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa xagjireynta caruurta.

Ugu dambeyntii Donald Trump wuxuu bulshada Soomaalida ku daray liiska wadamada aan dadkeeda loo ogoleyn iney galaan Mareykanka, wuxuuna dhawaan ku sheegay qaxootiga ku sugan Minesota inuu wax ka qaban doono maadaama uu ku sheegay dad kusoo qulqulay wadankooda.