Xog: DF oo ugu dambeyn ogolaatay inay dib u eegis ku sameyso imtixaankii 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji, uu wado qorshe lagu baarayo cabashooyinkii ka dhashay Imtixaankii Qaranka ee dugsiga sare.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow wasiirka ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirka iyo xubno ka socdo bahda waxbarashada iyo siyaasiin reer Muqdisho ah kawada hadleen dooda waxbarashada.

Guddoomiyaha midowga Iskuulada Gobalka Banaadir ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ka sheegay in rajo weyn ka qabaan in wasiirka uu baaritaan ku sameeyo cabashooyinka waalidiin badan oo ardeydooda dhacday sanadkaan.

“Rajo weyn ayaa ka qabnaa in si dhab ah loo baaro Imtixaankii ay wasaaraddu qaaday, howshaasna waa bilaabatay mana rabo inaa galo faah faahin kale,” Cabduqaadir Maxamed Xasan oo ah guddoomiyaha Midowga Iskuulada Muqdisho.

Lama hubo inta ay qaadan karto dib u eegista natiijada Ardeydii dhacday oo gaareysa ku dhowaad 10 kun oo arday.

Sidoo kale lama oga sida ay u xalin doonto wasaaradda waxbarashada Soomaaliya inkastoo wararka qaar sheegayaan in wasiirka dadkii la hadlay u sheegay in madkii la baaro haddii uu qaladka ka yimid dhanka wasaaradda la sixi doono, haddii ay ardeydu dhaceenna ay dib ugu laaban doonaan waxbarashadooda.