Sawirro: Dagaalkii Liyuu Booliis iyo Soomaalida oo dib u qarxay iyo jab la gaarsiiyey Ethiopian-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga qarxay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo dad ku dhaqan deegaanada xiga Xuduuda dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid xoogan oo leysu adeegsanaayo Hubka culculu kaasi oo inta badan ay adeegsanayaan Ciidamada Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Boolis, halka kuwa deegaankuna ay adeegsanayaan Hubka fudfudud.

Dagaalkaani oo laba maalin ka hor la hakiyay ayaa goordhow dib u bilowday kadib markii dagaal rogaal celin ah ay soo qaaden Ciidamada Liyuu Boolis.

Dagaalka oo iminka socda ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Nabadoon Cali Cabdulle oo ka mid ah Odayaasha deegaanka oo sheegay in dagaalka uu yahay mid rogaal celis ah islamarkaana ay dadka deegaanku yihiin kuwa u barakacay Howdka.

Isagoo ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dadkii shacabka ahaa oo iska jooga ayaa dib waxaa ugu soo laabtay ciidamada Liyuu Boolis, ciidan badan ayey isku soo uruursadeen shacabka ayey leynayaan, waxa ay wadaan waa xasuuq iyo gumeysi, dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqeynaa in ay soo fara geliso dagaalladaan”

Dowlada Somalia iyo kan Gobolka ayuu ku dhaliilay inay ka jawaabi waayen duulaanka lagu hayo dadka deegaanka, waxa uuna ku taliyay in laga hadlo xili ay munaasab tahay.

Dagaaladaan ayaa noqday kuwo iska soo daba laabtay, welina lama oga khasaaraha maanta ka dhashay dagaalka oo weli socda awgeed, iyadoo xaaladana ay tahay mid kacsan, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dagaalka looga dilay ilaa 8 Askar, halka kuwa Deegaankana laga dilay 6 .
111

1111

11111

1111111
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com