Go’aanka R/W CUMAR iyo halista ka imaan karta

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa dhawaan la sheegay in shirka magaalada Cadaado uu ka reebay Beesha Leelkase.

Go’aankaasi ayaa guux badan ka dhex abuuray beelaha kale ee ka maqan shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ku qanacsaneyn sidey wax u socdaan.

Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in beelaha qaar ee degen gobolada dhexe ay saluugsan yihiin go’aanka ra’iisul wasaaraha iyo  qaabka loo qeybsaday ergada shirka.

Waxaa laga baqayaa in beelaha kale ee ka maqan shirkaasi ay ku adkeysadaan iney ka maqnaanayaan shirka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Go’aanka ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ah mid lagu qancinayay maamulka Puntland, maadaama horay loo sheegay in gobolada dhexe maamulka loo sameynayo aan lagu dari doonin waqooyiga Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com