Dagaal ka dhex qarxay DF Somalia iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Beled-Xaawo, ee Gobolka Gedo, Koonfur Galbeed Somalia, ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo dhiig ku daatay uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay Warbaahinta in Dagaalka uu ahaa mid salka ku hayo Arrimo la xariira Maamulka Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu doonaayo in uu awood ku maamulo Degmada Beled-Xaawo, balse Maamulka Degmadaasi ay kasoo horjeedan in Ciidamo ka tirsan kuwa Jubba ay faragalin Siyaasadeed kusoo sameeyan Beled-Xaawo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladu ay kasoo horjeedan in kuwa Jubbaland ay la wareegaan Degmada taasina ay dhalisay dagaal uu dhiig ku daatay.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Dagaalka, halka Ciidamada Jubbaland dagaalka looga dilay Laba Askari.

Sidoo kale, dhanka Dowlada ayaa waxaa dagaalka looga dilay Hal askari oo ka tirsanaa kuwa Maamulka Beled-Xaawo.

Maamulka Degmada Beled-Xaawo ayaa diidan in Maamulka Jubbaland halkaasi ka taliyo, waxaana dhowr jeer isku dhacyo Duleedka Degmadaasi ku dhexmaray Labada Ciidanka oo ilaa iyo iminka ah kuwo is horfadhiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com