Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafada Durdur ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ah, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka ee Laascaanood, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha qaar ee Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii labaad.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Dhankooda ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof oo shacab ahaa, kuwaas oo aan waxba galabsan.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.