Dagaal dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay Gaalkacyo (Yuu dhex maray?)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Lix ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay , waxaana la sheegay dagaalka inuu u dhaxeeyey koox burcad ah oo dhawaan lacag madax furasho ah ka qaatay wariye muddo saddex sanno ah ay afduub ahaan u haysteen kaas oo lugu magacaabo,Micheal Scott.

Wararka aanu ka helayno koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in saddex ka mida koox burcad ah oo ku dagaallantay koonfurta Gaalkacyo iyo 3 qof shacaba ay ku dhinteen dagaalka.

Kooxdan burcaddaa oo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo ayaa isku maan-dhaafay sida ay u kala helayaan saamiga lacageed ee qof walba ku soo aadday.

Wararka ayaa qaarkood waxaa ay sheegayaan in kooxda burcaddaa ay ka dhinteen labada dhinacba laba qof, inkastoo warar kalana ay sheegayaan in sadex qof ay ka dhinteen.

Iska hor-imaadan hubaysan ayaa ka danbeeyay kaddib markii dhawaan koox burcad ah oo ka soo jeeda Galmudug ay madax furasho lacageed ay ka qaateen saxafi u dhashay dalka Maraykanka, kaasoo muddo lagu haystay deegaanka Galmudug.

Wariyihii Jarmalka ahaa ee haystay dhalasha dalka Mareykanka, Michael Scott Moore oo dhawaan ay sii daayeen kooxo burcadbaeedda ah ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay in laga bixiyay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa 1.6 Milyan oo doollarka Marekanka ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dowladda Jarmalka ay bixisay lacagtan si loo daayo wariye halka Mareykanka uu diiday inuu ka bixiyo lacag madax-furasho ah, maadaama aysan siyaasaddiisu ku jirin inay bixiyaan lacago madaxfurasho ah.

Sawsan Chebli oo ah afhayeenad u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalaka ayaa sheegtay in Michael Scott oo 45 jir ah ay sii dayntiisa gacan ka geysteen saraakiil Mareykan iyo Jarmal ah oo ku sugan Bariga Afrika, aadna loogu daalay wadahadallada lagu sii daynayay.

1.6 Milyan oo doollarka ayaa la sheegay inay sabab u noqotay dagaal dhex mara kooxda wariyaha haysatay,waxaana dhacdadaan si weyn looga hadal haya koonfurta Gaalkacyo.

Isha: RBC