Soomaali ka tirsanaa Dacish oo la dilay (Sawirka, Magaca iyo Halkuu ka yimid)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Canada, ayaa sheegtay in duqeymo adag oo lala eegtay Kooxda xagjirka ah ee Daacish uu ku geeriyooday Muwaadin Somalia-Canadian ah balse asalkiisa kasoo jeeda Somalia.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in xiligaani ay wado baaritaano lagu xaqiijinaayo Geerida Jihaadistahaasi oo lagu magacaabi jiray Mohamoud Mohamed Mohamoud.

mohamud-1Sidoo kale, Wargeyska The National Post ayaa qoray in Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kanada ay si adag ugu howlantahay baadritaanka Jihaadiistahaasi oo markii ugu danbeysay kamid ahaa Kolinyo gaadiid dagaal oo ay wateen Hoggaan ka tirsan Daacish, iyadoona duqeynta lala eegtay xili ay marayeen Waqooyiga dalka Syria.

Jihaadiiste Mohamoud Mohamed Mohamoud ayaa la sheegay inuu labo bilood ka hor ku biiray Kooxda Daacish, isagoo Waalidkiisa Telefoonka kula soo xiriiray markii uu gaaray gudaha dalka Syria.

The National Post waxa kaloo uu qoray inuu Mohamoud Mohamed noqday Muwaadinkii ugu horreeyey oo Kanadiyaan ah oo la sheego in la dilay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu bilowday Hawlgalka Caalamiga ee ka dhanka ah Kooxda Daacish.

Jason Tamming oo ah Afhayeenka Wasaaradda ammaanka Bulshadda iyo Gurmadka ee dalka Kanada, ayaa waxa uu Tilmaamay in ku dhawaad Boqol iyo Sodon ruux u dhashay Canada ay horay ugu biireen Kooxda Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com