Maamulka Galmudug oo ka dhabeeyay hanjabaaddii uu u jeediyey Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 12:00 ee Maanta ee lasoo dhaafay aysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed ee Magaaladda Gaalkacyo.

Warkaani ayaa waxaa shaaciyay Maxamed Xuseen Tahliilo oo ah Xubin firfircoon oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxa uuna Tilmaamay in Magaaladda Gaalkacyo ay noqon doonto meel ka caagan Duulimaadyadda gudaha iyo dibada.

Waxa uu ku war-geliyey shirkadaha diyaaradaha in diyaaraddii halkaasi ka degta ay mas’uul ka tahay cawaaqibka ay la kulanto. Warkaasi ayaa keenay in qaar ka mid ah shirkadaha diyaaaradaha ay baqaan, oo aysan halkaas ka degin.

Haddalka kasoo baxay Maamulka, ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii uu sii xoogeystay Khilaaf Siyaasadeedka adag ee xiligaani ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Galmudug kaasi oo la rumeysan yahay inuu bilowday ka gadaal markii dhawaan Diyaaradaha ka diwaan gishan Puntland loo diiday iney cago dhigtaan Garoonka Macmal ah oo ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid , ayaa sheegay in Seddexdii maalin oo ay u qabteen ay dhamaatay, sidaa darteedna ay gaareen go’aan iska difaacid ah, isagoona dhibaatada ka dhalata uu sheegay inay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowlada Federaalka Somalia iyo Ururka IGAD, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaan shaacin qaabka ay Magaalada Gaalkacyo ay uga dhigayaan meel Duulimaadyada ka caagan, balse waxaa la xusuustaa iney Madaafiic ku weerari jireen Garoonka Diyaaradaha.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in Maamulka Puntland ay Jawaab ka bixiyaan haddii Maamulka Galmudug ay Garoonka u adeegsadaan Madaafiic taasina waxaa ay horseedi kartaa dagaal dhex mara labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com