Dagaal beeleed culus oo maanta ka qarxay gobolka SH/DHEXE..!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal culus ayaa waxa uu ka socdaa deegaano hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo u dhexeeya laba beel oo walaalo ah.

Dagaalka ayaa u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed waxaana lasoo warinayaa in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah beelahaasi ay duulaan ku soo qaadeen dhinaca kale oo ku sugnaa deegaanka Booroy oo qiyaas ahaan 10 Km dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa culeyskiisa ka dhacay deegaanka Booroy waxaana inta la ogyahay ku dhintay Afar ruux, halka dhaawacana uu kor usii dhaafayo Todobo.

Dagaalka ayaan waxaa ka hadal maamulka Gobolka waxaana lasoo warinayaa in labada beel ay iminka isku hub uruursanayaan, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaalka uu sii xoogeysto.

Dhanka kale, dagaalka ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay deegaanno hoostaga Magaalada Jowhar ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com