26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Dhacdo aad u fool-xun oo ka dhacday magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdadaani foosha xun ayaa ka dhacday xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan kadib markii mid kamid ah dadka deegaanka uu gowracay Xaaskiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maalmahaani danbe uu muran ka dhexeeyay qoyskaasi mana jiri qof arrintaani soo dhex galay.

Ninkaani ayaa Xaaskiisa qoorta kaga dhuftay Toorey waxa ayna markii danbe u geeriyootay dhaawicii kasoo gaaray tooreyda/Mindida.

Haweeneynaadi ayaa dhaawac ahaan lagu geeyay Isbitaalka Daaru Shifaa, inkastoo markii dambe ay ugu geeriyootay dhaawicii soo gaaray.

Ninka falka dilka ah geystay ayaa durbadiiba ka baxsaday goobta uu falkaasi ka geystay waxaana iminka baadi goob ugu jira ciidamada Degmada.

Qoyskan waxay ka mid ahaayen barakacayaasha ku nool xeryaha barakacayaasha ee ku yaala xaafadda Siigaale.

Maamulka Degmada kama aysan hadal dhacdadaani foosha xun, markii laga reebo baadi-goob ay sheegen inay ku hayaan ninka xaaskiisa gowracay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News