Hillary Clinton oo Soomaalida ka difaacday aflgaadadii Trump

Washington DC (Caasimada Online) – Hillary Clinton oo ah haweeneyda u tartameysa doorashada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa Soomaalida ku nool Minneapolis ka difaacday hadalladii xumaa ee Donald Trump, iyadoo si kulul ula hadashay Trump iyo inta fikirkiisa taageersan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Mareyaknka Hillary Clinton oo Talaadadii hadashay waxaa hadalladeeda ka mid ahaa:

“Waxaan dhawaan tagay  Minneapolis anigoo halkaan kula kulmay koox badan Soomaalida Mareykanka ah, waan la fariistay, waana wada sheekeysanay, waxaan wadaagnay walaaca jira….iyaga(Somalida) sidoo kale dagaal ayey ugu jiraan in ay caruurtooda ka hortagaan in ay noqon kuwoo mayal adag, waxay u hogaansamaan  xeerarka Minneapolis, waxay sheegaan dhibaatadii ay arkaan ama ay maqlaan..Waa in aan ilaalinnaa saxiibadeen iyo dariskeena  Muslimiinta ah, waa in aan ogaanaa in ay naga mid yihiin, wey nala jiraan, waxaa ay difaacaan noloshooda,  caruurtooda iyo qoysaskooda , innaga ayey na difaacaan”

“Waa arrinkaas la wadaago Muslimiinta Caalamka, waxaan u baahannahay isbaheysi ay ku jiraan dalalka muslimiinta ah  si aan uga adkaano ISIS”

“Waana adagtahay in isbaheysi la helo dalal badan ka kooban adigoo caynaya ama meel uga dhacaya Diintooda, waa in aan sheeknaa in waxani ay xun yihiin”

Hadalka Clinton ayaa imaanaya kadib markii Donald Trump  sheegay in Soomaali badan oo Mareykanka ku nool ay isku dayeen ku biirista Daacish isagoo soo jeediyay in muslimiinta laga mamnuuco gelitaanka Mareykanka.

Waxaa sidoo kale Talaadadii haddalada xun ee Donald Trump ka jawaabay Madaxweynaha Mareykanka isagoo sheegay in ay adag tahay in nin noocaas ah lagu aamino madaxtinnimada dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay Donald Trump  oo uu jiro hogaamiyaha aqalka Paul Ryan ayaa hadalkiisa ku tilmaamay mid geyru mas’uulnnimo ah, waxaa kaloo ay la yaabeen sida uu hadalkaas ku keenay.

Senator Lamar Alexander ayaa AP u sheegay Donald Trump aanu weli aheyn murashax u taagan xisbiga Jamhuuriga oo aan la dhihi karin waa nin iyaga matala.

Trump ayaa doonayey in uu weeraro siyaasadaha xisbiga dimoqoraadiga ee Obama iyo Clinton laakin sixirka isaga ayuu ku furmay, waxaana hadlakiisa mid micno darro ah ku tilmaamay dad xisbigiisa ka tirsan iyo inta badan shacabka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com