Dagaal kale oo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay GALGADUUD

Wabxo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka guubeen.

Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah.

Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa.